Codbixinta Doorashada Golayaasha Wakiiladda & Deegaanka JSL oo Maanta Si Guul Leh Uga Qabsoontey Dalka Oo Dhan

31 May 2021, #KDQ oo saaka si balaadhan uga bilaabay hawshii Codbixinta Doorashada, Safafka Codbixiyayaasha oo buuxsamay iyo Goobihii Codbixinta oo bilaabay hawshoodii. Madaxweynaha JSL, Mudane Muse Bihi Abdi ayaa saaka Codkiisa ka dhiibtey Goobtii uu ka diiwaangashanaa oo ahayd Aqalka Shaqaalaha. Madaxweynaha JSL oo hadal kooban Saxaafadda la wadaagay ka dib markii uu Codkiisii dhiibtey ayaa Dadweynaha JSL ku booriyey inay si wadajir iyo nabadgalyo ah ku codeeyaan, meelna uga soo wada jeedaan amniga iyo xasiloonida.

#Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Xuseen ayaa Codkiisa ka dhiibtey Xarunta Aqalka Shaqaalaha oo uu hore uga diiwaangashanaa. Guddoomiyuhu waxa uu Saxaafadda kula hadlay isla goobta uu Codkiisa ka dhiibtey isagoo Kelmad Dardaaran ah u jeediyey Codbixiyayaasha dalka kuna booriyay adkaynta nabadgalyada iyo ilaalinta xasiloonida isagoo xusay muhiimada ay doorashadani Qaranka JSL u leedahay.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa Codkiisa ka dhiibtey saaka Goobta Gurriga Shaqaalaha oo ah Goobtii uu hore uga diiwaangashanaa.Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ayaa hadal kooban ka jeediyey Xarunta Aqalka Shaqaalaha isagoo dadweynaha faray inay garab-istaagaan KDQ isla markaana ay Codkooda si nabadgelyo ah u dhiibtaan kana faa’iidaystaan Xaqa Dastuuriga ah ee ay u leeyihiin inay Codkooda si xor ah u dhiibtaan.

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn