KDQ Ayaa 9 Degmo Natiijadooda Hordhaca ah Ku Dhawaaqay

Waxaa ilaa hadda si rasmiya Komishanka Doorashooyinka Qaranku Natiijadooda #hordhaca ah soo saaray Degmooyinka: 1. Saylac, 2. Lughaya, 3. Sallaxley, 4. Buuhoodle, 5. Laascaanood, 6. Xudun, 7. Taleex, 8. Gar-adag & 9. Sheekh

Degmooyinka kale wali waa lagu gudo jiraa diyaarinta #Natiijadooda.

#KDQ isagoo raacaya Xeerka Doorashadda, isla markaana tixgalinaya Xaqa Musharixiintu u leeyihiin in si habsami leh loogu tiriyo, la isugu geeyo loona sugo codadkooda iyada oo lala shaqeynayo Wakiiladda Axsaabta Qaran lana raacayo Xeerka Doorashadda & Habraacyadiisa ayaa uu culayska iyo muhiimadaba siinayaa habsami-usocodka hawlaha culus ee uu gacanta ku hayo, isagoo ka fogaanaya fool-eris iyo degdeg aan daruuri ahayn. Qaranka JSL waxa uu isagoo isku duuban u banbaxay hirgalin hannaan doorashooyin iyo dimoqraadiyadeed qaangaadh ah. Geedigaas waxaa gadhwadeen iyo fuliyeba ka ah una madaxbannaan KDQ. Sidaas daraadeed, dhammaanteen Shacbi, Axsaab, Xukuumad, Bulsho-rayid ah, Warbaahin, waxaa innagu wada waajib ah dulqaad, deganaan iyo midnimo in lagu afmeero Doorashadii Isku-sidkanayd ee noqotay Mucjisadii muujisey bislaanshaha iyo baaxada dimoqraadiyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland.

******** *********** **********

So far #NEC has officially released the preliminary results of these districts:

1. Zeylac

2. Lughaya

3. Sallaxley

4. Buuhoodle

5. Las Anod

6. Xudun

7. Taleex

8. Gar-adag &

9. Sheekh

Other districts are still in the process of preparing their results.

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn