KDQ oo Kala Direy Shaqaalihii & Gaadiidkii Wacyigelinta Hannaanka Codbixinta Doorashada Isku-sidkan

#KDQ ayaa maanta magaalooyinka #Ceerigaabo, #Laascaanood, #Burco, #Berbera, #Hargeysa & #Boorama ee Xarumaha Gobolada #Sanaag, #Sool, #Togdheer, #Saaxil, #Maroodi-Jeex & #Awdal ku kala direy Shaqaalihii Wacyigaliyayaasha ahaa si ay shacbiga degmo-doorashooyinka Dalka loogu wacyigeliyo Hannaanka Codbixinta Doorashada Isku-sidkan ee Golayaasha Wakiiladda & Deegaanka, si dadweynaha ku kala nool Degmooyinka iyo Goboladu u fahmaan habsami-usocodka Codbixinta, Muwaadiniintuna Codkooda u dhiibtaan soona doortaan mas’uuliyiintii ku meteli lahayd Golayaasha Wakiiladda & Deegaanka. 

Mas’uuliyiinta KDQ ee heer gobol oo uu hoggaaminayaan Xubnaha Komishanka Qaranku ayaa Kooxihii Wacyigaliyayaasha ahaa ee maanta la kala dirayay u jeediyey kelmaddo isugu jirey tilmaamo iyo dardaarano, ka hor intii aannay Wacyigeliyayaashu u kala bixin Goobaha loo asteeyey inay Wacyigelinta kasoo sameeyaan. 

******************************************

#NEC has today kicked off 4-Days’ Voter Education & Awareness Campaigns across the electoral districts of #Awdal#MJ#Sahil#Togdheer#Sool & #Sanaag regions. The Awareness-raising Teams were equipped with IEC Materials, Speakers & Vehicles.

#KDQ

#SomalilandElects

#SomalilandElections2021

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn