Saddexda Xisbi Qaran oo Dadweynaha Ugu Baaqay Ilaalinta Wadajirka & Xasiloonida

Xisbiyada Qaranka JSL ayaa si wadajir ah shacbiweynaha JSL ugu baaqay ilaalinta Nabadgelyadda, Xasiloonida iyo Midnimada iyagoo kuna dhiirigaliyey inay ka feejignaadaan wax kasta oo keeni kara xasilooni darro isla markaana fursad siin kara cadawga Somaliland oo ay ku tilmaameen kuwa kasoo horjeeda hanoqaadka Dimoqraadiyadda JSL. Sidoo kale waxay Mas’uuliyiinta Axsaabta Qaranku xuseen inay muhiim tahay in Shacbiweynuhu ay ka faa’iidaystaan Fursadda Doorashada Isku-sidkani u siinayso inay Cod buuxa ku yeeshaaan cida dadweynaha ku meteli doonta Golayaasha Wakiilada & Deegaanada JSL isla markaana ay hirgaliyaan xaqa Dastuurka JSL siiyey muwaadin kasta kaasoo ah in Muwaadinku xaq u leeyahay inuu wax doorto lana doorto.

Hadalka Axsaabta Qaranka JSL ayaa kusoo beegmaya wakhti Ololihii Musharixiinta Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanadu si rasmi ah uga bilaabmeen guud ahaan Gobolada iyo Degmo-doorashooyinka dalka isla markaana uu hirdanka Axsaabta Qaranku marayo marxaladihii u dambeeyey ee ka horeeyay Maalinta Codbixinta Doorashada 31ka May 2021- Maalintaas oo Alle idamkii Dadweynaha JSL u dareeri doonaan Goobaha Codbixinta Codkoodana si xor ah u dhiiban doonaan kuna cugan doonaan Mas’uuliyiintii talladooda heer Gole Wakiileed iyo Heer Degmooyinba majaraha u hayn lahayd.

KDQ oo ah Hay’adda u sareysa isla markaana leh hoggaaminta, hirgalinta iyo Isku-dubaridka hawlaha Doorashooyinka ayaa isaguna sameeyey dedaalkii ugu badnaa ee lagu xaqiijin lahana Doorasho Xor iyo Xalaal ah oo ay JSL markii 2aad si Qof iyo Cod ah ugu soo doorato Golaheeda Wakiiladda islamarkaana markii 3aad si Qof iyo Cod ah ugu soo doorato Golayaasheeda Deegaanka. Tallaabada Doorashada Isku-sidkan ee Wakiilada iyo Deegaanada ayaa noqonaysa horumar weyn oo ay Jamhuuriyadda Somaliland ka samaysay dhinacyada Dimoqraadiyadda iyo Geedi-socodka Doorashooyinka- taasoo ka dhigeysa Jamhuuriyadda mid ka tilmaaman Mandaqadda ay ku taalo ee Geeska Afrika.

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn